Home Wararka Caalamka Wararkii ugu Danbeeyay Doorashada Dalka Turkiga oo Meel adag mareysa

Wararkii ugu Danbeeyay Doorashada Dalka Turkiga oo Meel adag mareysa

0
Photo by Adem ALTAN / AFP

Musharraxa Madaxweynaha ee Isbaheysiga Nation Alliance ahna gudoomiyaha xisbiga CHP Kemal Kılıçdaroğlu ayaa sheegay in dooashadii ka dhacday dalkaas codad badan la isdaba mariyey

“Wax isdabamarintooda malaha xuduud,” ayuu yiri, waxaana uu sheegay inay u baahan yihiin ugu yaraan 5 kormeerayaal sanduuq kasta oo codbixin ah doorashada ku celiska ah ee 28 May.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Erdogan inuusan ilaalin xuduudaha iyo sharafta dalka. “Marka aan xukunka qabto, waxaan diri doonaa dhammaan qaxootiga ilaa guryahoodii” ayuu yiri.

“28-ka May waxa qarankeena hor iman doona 2 musharrax iyo laba aragti oo kala duwan waxana dhacaysa doorasho aad mooddo in aaney muddo dhicin. Waxaan aad ugu mahad celinayaa dhamaan muwaadiniintii codkooda dhiibtay, gaar ahaan 25-ka milyan ee codbixiyaasha ahaa ee na rumeeyay isla markaana nagu taageeray wareeggii 1aad.

“Subaxda doorashadu dhacayso ee 28-ka May, markan uma baahnin hal iyo laba ee waxaynu u baahanahay 5 goob-jooge oo goob kasta jooga. Waxaynu u baahanahay shaqaale lab iyo dhedig ah iyo goobjooge aan ku kalsoonaan karno xaalad kasta.”ayuu intaad ku daray

“Marka hore, aan ka hadalno arrimaha argagaxisonimo ee la xiriira Edogan, oo isku dayaya inuu nagu xanto. Miyaadan ahayn Erdogankii marar badan miiska la fadhiistay ururada argagixisada, oo gorgortan qarsoodi ah albaabka gadaashooda ka samaynaya, isla markaana su’aal ka keenaya jacaylka aan u qabno waddankeena hooyo. Waxaan halkan ka caddaynayaa. Waligay lamaan fadhiisan ururada argagixisada waligayna ma fariisan doono. Ma raaci doono dariiqa qarsoon ee aad raacdo.”ayuu yiri Kemal Kılıçdaroğlu

“Erdogan; Erdogan maxaad u ilaalin weyday xuduudka iyo sharafta dalka. In ka badan 10 milyan oo qaxooti ah ayaad dalkan keentay. Kuma filna, waxaad iibisay dhalashadaada Turkiga si aad codad dibadda ah u hesho! Muwaadiniinteena waxaad ka dhigtay qaxooti. Aniga waxaan u diri doonaa 10 milyan oo qaxooti ah gurigooda isla marka aan xafiiska qabto, muddo yar gudahood.” ayuu Kemal Kılıçdaroğlu yiri sidoo kale.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here