Home Wararka Maanta Qof ku dhintay Toogasho ka dhacday Koonfurta Caasimada Stockholm

Qof ku dhintay Toogasho ka dhacday Koonfurta Caasimada Stockholm

0
Foto Mikael Fritzon / TT

Hal qof ayaa ku dhintay labana waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday saqdii dhexe ee shalay magaalada Rågsved ee koonfurta magaalada Stockholm, iyadoo boolisku ay ku guulaysteen inay soo qabtaan shan qof.

Howlgal weyn oo bilayska ayaa habeennimadii xalay ka billaabay agagaarka saldhigga metro ee Rågsved ka dib markii saddex qof oo 20 jir ah la helay iyagoo dhaawacyo rasaas ah qaba.

Booliska ayaa sheegay subaxnimadii hore ee Khamiista shalay  in mid ka mid ah uu dhintay. Ehelkiisana la ogeysiiyay. Sidoo kale qof kale ayaa isna weli dhaawac halis ah soo gaaray, iyadoo qofka saddexaadna uu qabo dhaawac fudud.

Baaritaan horudhac ah oo ku saabsan dil, isku day dil iyo hub ayaa la bilaabay.

“Dad badan ayaa loo qaaday si su’aalo loo weydiiyo, kuwaas oo qaarkood la qabtay iyagoo looga shakisan yahay inay dambiga galeen,” ayuu yiri Mats Ericsson oo ah afhayeenka booliiska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here