Home Wararka Caalamka Dowlada Ruushka oo digniin u dirtay Wadamada Reer Galbeedka oo Damacsan Tilaabooyin...

Dowlada Ruushka oo digniin u dirtay Wadamada Reer Galbeedka oo Damacsan Tilaabooyin cusub

0
Photo/Sputnik/Sergey Guneev/Kremlin via REUTERS

Sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Ruushka Alexander Grushko oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS Dalalka reer galbeedka ayaa la kulmi doona “khatar weyn” haddii ay siiyaan Ukraine diyaaradaha dagaalka F-16,.

Aarrintan ayaa daba socotaa ku dhawaaqistii Maraykanka ee ah in uu u ogolaan doono xulafada reer galbeedka inay diyaarado siiyaan Ukraine, iyo sidoo kale fududaynta barnaamijyada tababarida ciidamada Ukraine.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine ayaa booqashadiisa lama filaanka ku yimid Hiroshima oo uu ka socdo shirka G7.

Zelensky ayaa tagi doona Hiroshima maalinta Axada, inkastoo uusan xafiiskiisu xaqiijin booqashada. Wararka ku saabsan booqashadiisa suurtagalka ah ayaa soo baxay Jimcihii .

Shirka G7 ayaa bilowday Jimcihii iyadoo lagu cambaareeyey Ruushka, laguna dhawaaqay cunaqabatayn dheeraad ah.

Kooxdan oo ka kooban todobo wadan oo ay ku jiraan Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Jarmalka, Kanada iyo Japan, waxay matalaan wadamada ugu qanisan adduunka.

Sannadkan, siddeed waddan oo kale oo ay ku jiraan Australia iyo India ayaa sidoo kale lagu martiqaaday.

Mr Zelensky ayaa lagu waday in uu kulanka kaga soo qeyb galo muuqaal ahaan, balse waxaa la isla dhex marayay in isaga ama xaaskiisa ay si shaqsi ah uga qeyb gali doonaan.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu dheeraa ee uu kaga soo socdaalo Kyiv tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii February 2022, waxaana safarada kale ee ka baxsan Ukraine ay khatar gelin karaan ammaankiisa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here