Home Wararka Caalamka War hada Ah: Gantaalka Shiinaha oo soo dhacay, Dowlada oo ka warbixisay

War hada Ah: Gantaalka Shiinaha oo soo dhacay, Dowlada oo ka warbixisay

0

Gantaalkii Shiinaha kasoo baxsaday  ayaa goor dhaweyd ku  dhacay Badweynta Hindiya, gaar ahaan biyaha Jasiirada Maldives- sidaasi waxaa shaaca ka qaaday warbaahinta Shiinaha.

Dayax gacmeedkan oo lagu magacaabo Long March ayaa lumiyey awoodii maamulka hortaantii todobaadkii hore, waxaana uu ku socday xawaare gaaraya 27,000 km saacadii.

Inta badan dowladaha Caalamka gar ahaan kuwa Afrika ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay muujinayeen cabsi la xiriirta in uu kusoo dhaco, iyada oo dalal dhowr ah oo ka tirsan Afrika uu dhowr jeer dil maray.

War kasoo baxay dowladda Shiinaha ayaa waxaa lagu sheegay in Gantaalka uu bur buray, isaga oo ana geysan wax dhibato ah, waxaana tan ay meesha ka saareeysaa cabsidii ay qabeen dalal badan oo ka tirsan Caalamka.

Dowlada ayaa dhanka kale ka warbixisay.

Warbaahinta Shiinaha ayaa shaacisay in lagu guuleystay in la burburiyo gantaalkii Long March 5B Y2, kaasi oo maalmahan jahwareer coogan shakiyey.

Gantaalka waxaa lagu burburiyey, xilli uu marayey Badda Carbeed (Arabian Sea), xagal ahaan 72.47° Bari, iyo 2.65° Waqooyi.

Wararku waxay ishaarayaan inuu Gantaalka ku dhacay meel ku dhow Jesiirada Maldevis ee ku dhex taallo Badweynta Hindiya.

Qeybo la mid ah burburka Gantaalka Shiinaha ee Long March 5B Y2 waxa uu ku burburay K/Galbeed ee dalka Hindiya iyo dalka Sri Lanka.

Dhinaca kale, Milliteriga Maraykanka waxay xaqiijiyeen burburka Gantaalkaasi,  balse ma aysan caddaynin halka uu ku dhacay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here