Home Wararka Caalamka Germalka oo Wax ka badalaya Sharciga Qaxootiga aan Sharciga heysan

Germalka oo Wax ka badalaya Sharciga Qaxootiga aan Sharciga heysan

0

Dowlaa Germalka ayaa cadaadis xoogan lagu saarayaa in ay wax ka badasho sharciga Qaxootiga wadanka ku sugan ee aan heysan Deganaanshaha rasmiga.

In ka badan 60 hay’adood iyo ururo ayaa codsanaya in la tirtiro shuruudaha looga baahan yahay dadka aan sharcigaku laheyn Jarmalka ee raadinaya daryeel caafimaad.

Hadii Codsiga laga aqbalo 60 Urur oo muhiim ka ah wadanka waxaa suura galeysa in dad badan ay helaan daryeel caafimaad oo muhiim ah.

Sharaxaad dheeri ah.

Cabsida tarxiilka awgeed, tani waxay ka hor istaageysaa dadka ku nool bulshada Jarmalka inay raadsadaan daaweyn. Tani waxay ka dhigan tahay in cudurada nolosha halista ku ah aan weli la daaweyn, haweenka uurka leh ee ay saameysay aysan aadi karin si ay u helaan baaritaan isla markaana carruurta loo diido adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah. Inta lagu jiro aafada tani waa walaac gaar ah maadaama ay sidoo kale caqabad ku tahay helitaanka caabuqyada COVID-19 ee suurtagalka ah.

Heinz-Jochen Zenker, oo ah madaxa dhakhaatiirta adduunka oo la hadlayey majaladda doctorrzteblatt ee dhakhtarka ayaa tidhi “Waa fadeexad in dhakhaatiirta mutadawiciinta ahi ay ku caawiyaan dadka inay helaan xuquuqdooda caafimaad.” Wuxuu intaas ku daray “daryeelka caafimaad waa in laga soocaa siyaasada gudaha iyo tahriibka.”

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here