Home Wararka Maanta War hada Ah: Dalka Norway oo dhoor Qof lagu dilay goor dhow...

War hada Ah: Dalka Norway oo dhoor Qof lagu dilay goor dhow Weerar ka dhacay Kongsberg

0
Photo: HÃ¥kon Mosvold Larsen / NTB

Dhowr qof ayaa lagu dilay kuwa kalena waa lagu dhaawacay dalka Norway kadib markii nin adeegsanaya qaanso iyo falaar uu weerarka geestay.

Booliska ayaa ku dhawaaqay dhacdo ka dhacday magaalada Kongsberg koonfur-galbeed caasimadda Oslo abbaare 18:30 waqtiga maxalliga ah.

Chief Oeyvind ayaa sheegay in la qabtay qof lagu tuhunsanyahay weerarka.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu ku soo wareegay magaalladda oo dhan, waxayna mas’uuliyiintu xireen dhowr meelood oo waaweyn.

Warbaahinta ayaa sheegaysa in qofka weerarka geystay uu falaarta ku weeraray goob supermarket -ka Coop oo ku yaal galbeedka Kongsberg. Dadka deegaanka ayaa lagu amray inay guryahooda joogaan.

Eedeysanaha ayaa hadda la geeyay saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Drammen, sida ay booliisku sheegeen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here