Home Wararka Maanta Booliska Norway: Dhawaan ayuu Qaatay Diinta Islaamka Ninka Dadka laayay Xalay

Booliska Norway: Dhawaan ayuu Qaatay Diinta Islaamka Ninka Dadka laayay Xalay

0
Photo: HÃ¥kon Mosvold Larsen / NTB

Xalay magaalada Kongsberg ee Dalka Norway waxaa ka dhacay Weerar loo adeegsaday Qaansada iyo Falaar.

Ku dhawaad 5 Qof ayaa ku dhimatay weerarka waxana dhacdadaasi ka hadlay booliska saarka oo Khamiis ah.

Booliska ayaa u qabtay nin 37 sano jir ah Weerarkan waxayna shirka jaraa’id ee Saaka ku sheegeen in Ninkaasi dhawaan xogtiisa soo gaartay.

Waxay sheegeen in uu dhawaan uu qaatay diinta islaamka isla markana laga helayay warbixino ku aadan inuu sameenayo howlo xagjirnimo.

taliyaha bilayska Ole Bredrup Sæverud ayaa yiri ” Wax warbixin ah kama helin sanadka 2021 lakin waxaa horay u jiray warbixino laga hayay.

Afar haween ah iyo nin ayaa ku dhintay laba qofna way ku dhaawacmeen weerarka xalay ka dhacay Kongsberg sida Booliisku ay Saaka sheegeen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here