Home Wararka Caalamka Waddankii ugu horreeyay ee Yurub ee oggolaaday beerista xashiishadda iyo Isticmaalka Shaqsiyan

Waddankii ugu horreeyay ee Yurub ee oggolaaday beerista xashiishadda iyo Isticmaalka Shaqsiyan

0
Greg Lehman/Walla Walla Union TT/AP

Malta waxay noqotay waddankii ugu horreeyay ee Yurub ah ee sharciyeeya beerista iyo isticmaalka xashiishadda si shakhsi ah, ka dib markii baarlamaanka Malta uu Salaasadii u codeeyay sharci cusub 36 cod ayaa haa u codeeyay halka 27 ay diiday sharciga.

Sharciga cusub ayaa dhigaya in dadka waaweyn loo ogolyahay in ay qaataa  ilaa todobo garaam oo xashiish ah oo ay ku beeraan guriga, ilaa ugu badnaan afar dhir ah.

Waxa kale oo uu dhigayaa in qofkii beera in ka badan 7 garaam oo ka yar 28 garaam lagu ganaaxi doono 100 Yuuro. Sida laga soo xigtay BBC-da British Broadcasting Corporation.

goobaha lagu cabayo xashiishadda ee goobaha caamka ah ayaa noqon doonto ganaax dhan 235 euro. Ganaaxa sigaarka xashiishadda ilmo kasta oo ka yar 18 sano wuxuu gaari karaa ilaa 500 euro.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here