Wadankee ayuu u dhashay Ninkii Dadka ku laayay Dalka Norway

Habeenkii Xalay nin Ayaa Dad ku laayay Magaalada Kongsberg ee Dalka Norway isagoo adeegsanaya Falaar iyo Qaanso sida aan horay uga akhrisateen bogeena Somaliska.

Wararka maanta Warbaahinta Norway tabineyso ayaa ku aadanaa Falkaasi waxana Xogta ugu danbeesay ay sheegayaan in ninkan uu u dhashay Dalka Denmark oo daris la’ah Norway.

Xogta waxay kaloo tilmaameysaa in Ninkan uu Dhawaan qaatay diinta islaamka.

Marka laga soo tago Xogtaasi dhanka booliska ayaana wali bixin xog ku aadan ninkan iyagoo wada baaritaan ku aadan falkan.

inta la xaqiijiyay waxaa weerarka ku dhintay 5 qof iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale sida Boolis ku dhaawacmay marka uu howlgalka uu socday.

Lasoco wixii warar ee soo kordha.

Somaliska Oslo

Somaliska Sharciyada Qaxootiga iyo Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*