Sweden oo maanta ku dhawaaqday go’an Cusub oo ku aadan Dadka Qaatay Talaalka

Dowlada Sweden gaar ahaan qeybta Caafimaadka Waxay maanta ku dhawaaqday go’an Cusub oo ku aadan Dadka qaatay Talaalka Sida uu qoray Radio sverige.

Dadka Qaatay Talaalka labadiisa Qeyb iyo Caruurta ka hooseysa 6 sano jirka uma baahna baaritaan Corona hadii ay isku arkaan Calaamado muujinaya Corona laga bilaabo 1 November.

Hadii Qofka uu isku Arko Calaamado kaliya waxa uu u baahanyahay in uu guriga joogo.

Horay Sharciga iyo Talada waxay aheyd in Qofka marka uu isku arko Calaamado muujinaya Corona in uu baaritaan isku sameeyo.

Dowlada Sweden ayaana la filayaa in ay ku dhawaaqdo go’ano kale oo ku aadan Xaalada Corona ee Wadanka.

Somaliska Sharciyada Qaxootiga iyo Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*