Home News in English Wadamo badan oo ka Walaacsan Guulaha uu sameeyay Sverigedemokraterna

Wadamo badan oo ka Walaacsan Guulaha uu sameeyay Sverigedemokraterna

0
Foto/TT

Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Anne Linde ayaa sheegtay in dalal badan oo caalamka ah ay walaac ka muujiyeen siyaasadda ammaanka ee Sweden ka dib horumarka uu xisbiga Sverigedemokraterna ka gaaray doorashooyinkii u dambeeyay, iyo doorka uu ka qaadan karo saameynta uu ku yeelan karo dowladda soo socota.

“Ma ahan wax qarsoon in dalal badan ay walaac ka qabaan,” Linde ayaa u sheegtay wargeyska Aftonbladet.

Linde ayaa rajaynaysa in caqabada ugu wayn ee qofka bedeli doonta uu noqon karo aragtida afarta xisbi ee garabka midig ee siyaasada arimaha dibada iyo amniga, waxa ayna aaminsantahay in laga yaabo in wada xaajood adag laga yeesho arimo badan.

“Waxaa jira laba arrimood oo aan ka walaacsanahay, haddii aan si fudud u sheego, waxay la xiriirtaa kaalmada horumarinta iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee haweenka,” Linde ayaa tiri mustaqbalka Sweden ee adduunka isbeddelka dawladda ka dib.

Todobaad uun ka hor doorashada, xisbiga Sooshal dimuqraadiga ayaa si xoog leh u soo baxay isagoo si gaar ah uga digay xiriirka dhow ee xisbiga Sverigedemokraterna uu la leeyahay Ruushka kaas oo khatar ku ah ammaanka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here