Home Wararka Caalamka Ruushka oo soo saaray Sharci Cusub oo ku aadan Ciidanka ka goosta

Ruushka oo soo saaray Sharci Cusub oo ku aadan Ciidanka ka goosta

0
Photo/Sputnik/Sergey Guneev/Kremlin via REUTERS

Hadda wixii ka dambeeya, ka goosashada ciidanka Ruushka, diidmada dagaalka, diidmada awaamiirta ama isu dhiibista cadowga waxaa lagu muteysan karaa ilaa 10 sano oo xarig ah.

Tani ayaa la cadeeyay ka dib markii Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu maanta si rasmi ah u saxeexay sharciga adkaynaya ciqaabta dembiyada noocan ah, sida ay qoreen dhowr warbaahinta caalami ah , oo soo xiganaysa wakaaladda wararka ee Ruushka ee Tass.

Markii hore, ciqaabta ka goosashada Ciidanka waxay ahayd ilaa shan sano oo xadhig ah, sida uu qoray Sky News.

Sharcigan ayaa waxaa u codeeyay baarlamaanka Ruushka horaantii todobaadkan .

Adkeynta sharciga ayaa timid ka dib markii Putin uu ku dhawaaqay abaabul qeyb ka mid ah, ciidanka oo gaaraya ilaa 300,000 oo Ruush ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here