Home Wararka Caalamka Waalid Badan ayaa Caruurtooda ku dhihi karin Maya iyagoo ka baqaya Dowlada...

Waalid Badan ayaa Caruurtooda ku dhihi karin Maya iyagoo ka baqaya Dowlada ”SVT”

0

Sweden waxaa Bilooyinkii ugu danbeeyay ka jirtay Cabsi ku aadan in Waalid badan oo asalkooda soo galooti ah laga qaatay Caruurtooda.

iyadoo taasi ay jirto Talafashinka SVT ayaa baahiyay warbixin ku aadan in Waalid badan aysan caruurtooda ku dhihi karin Maya ama aysan wax ka diidi karin.

Cabsida waalida ayaana ah in ay ka baqaan Caruurta oo Dowlada ku dhihi kara in Waalidka dhibaato kala kulmaan.

Ururka Turjubaanada Dhaqanka ee Taageerada Waalidka ee Lövgärdet ayaa muddo dheer la kulmayay waalidiinta ka walaacsan Caruutooda kuwaasi oo u heesta in Caruurta aanan xitaa la oran karin Maya.

“Dhammaan waalidiinta ma oga inay maya ku dhihi karaan ilmaha sidaas darteed carruurtu waxay ku hanjabaan inay ku wargelinayaan booliiska,” ayuu yiri Al-Shanat. Carruurtu inta badan way ka aqoon badan yihiin sharciyada marka loo eego waalidiinta, sidaas darteed waalidiintu waxay rumaystaan ​​carruurtooda.”

Gobolada Dalka Swedne waxaa ka dhacay Banaan-baxyo looga soo horjeedo Dowlada iyo Caruurta ay ka qaataan Waalidiinta Asalkooda yahay soogalootiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here