Home News in English Putin oo amar ku siiyay ciidamada Ruushka inay gudaha u galaan bariga...

Putin oo amar ku siiyay ciidamada Ruushka inay gudaha u galaan bariga Ukraine

0
Photo/Sputnik/Sergey Guneev/Kremlin via REUTERS

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa amar ku bixiyey in ciidamo la geeyo laba gobol oo ka go’ay bariga dalka Ukraine, ka dib markii uu u aqoonsaday inay ka madaxbannaan yihiin dalkaas Isniintii, taasoo soo dedejisay qalalaasaha ay reer galbeedku ka baqayaan in uu dagaal weyn ka qarxo.

Goobjooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa arkay taangiyo iyo qalab kale oo militari oo dhex wareegaya magaalada Donetsk oo ay maamusho gooni u goosadka ka dib markii Putin uu si rasmi ah u aqoonsaday gobollada ka go’ay, wuxuuna amray in la diro ciidamada Ruushka si ay “nabada u ilaaliyaan”.

Ilaa shan taangi ayaa lagu arkay cidhifka Donetsk iyo laba kale oo lagu arkay qayb kale oo magaalada ah, wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaya. In wax calaamad ah ka muuqan baabuurta.

Ku dhawaaqista Putin ayaa keentay cambaarayn caalami ah iyo cunaqabatayn degdeg ah oo Maraykanku ku soo rogayo si loo joojiyo dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee Maraykanku ka wado gobollada go’doonsan, lagana mamnuuco dhammaan badeecadaha laga soo dejiyo goobahaas.

Tallaabooyinka ayaa ka duwan cunaqabateynta Mareykanka iyo xulafadiisa ay diyaariyeen haddii Ruushka uu duullaan ballaaran ku qaado Ukraine, afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki ayaa tiri sidaasi.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here