Home Wararka Caalamka Mareykanka oo war kasoo saaray Gobolada uu Aqoonsaday Dalka Ruushka

Mareykanka oo war kasoo saaray Gobolada uu Aqoonsaday Dalka Ruushka

0
Angela Weiss / AFP - Getty Images

Maraykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn ka dhan ah labada gobol ee kala ah Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine ka dib markii Ruushku u aqoonsaday dawlado madax banaan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo saari doona amar uu ku mamnuucayo maal-gashiga cusub, ganacsiga iyo maalgelinta dadka Mareykanka ee ka imaanaya, labada gobol, sida ay sheegtay xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad Jen Psaki.

“Amarka ayaa awood siin doona in cunaqabatayn lagu soo rogo qof kasta oo damacsan inuu ka hawlgalo Goboladan” ayay tiri Psaki.

Waxay intaas ku dartay in cunaqabatayntan ay garab taagan tahay cunaqabatayn ballaadhan oo reer galbeedka ah haddii Ruushku soo galo Ukraine.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here