Home Wararka Caalamka Labo Qof oo lagu Xiray Garoonka Diyaaradaha Götenborg kuwaasi oo ku socday

Labo Qof oo lagu Xiray Garoonka Diyaaradaha Götenborg kuwaasi oo ku socday

0
Foto Adam Ihse / TT

booliiska Sweden ayaa labo qof ku xiray garoonka Landvetter, sababtoo ah waxay doonayeen inay u safraan si ay ugu biiraan ururka argagixisada ah ee ISIS , sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud.

Dacwad oogayaasha qeybta dacwadaha amniga qaranka ayaa maxkamada Göteborg ka helay warqad lagu soo xirayo labada nin.

Xeer ilaalinta guud ayaa go’aan ku gaartay in la sii hayo labada nin inta baaritaan lagu wado. Dhageysiga dacwada ayaa maanta ka dhaceysa maxkamada Göteborg .

Labada Eedeysane oo da’dooda lagu sheegay afartameeyo, ayaa xilliga la qabanayay waxay u socdeen inay dalka ka dhoofaan.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in labada nin lala xiriiriyay xagjirnimo gacan ka hadal ah. Waxaa lagu eedeeyay inay galeen dambiga ah “in ay u safreen qorista iyo tababarida dambiyada argagixisada iyo dambiyada kale ee culus.”

Labada nin waxay ku nool yihiin Göteborg. Iyaga oo maqan waxaa la soo saaray waaran lagu soo xirayo 4:00 galabnimo ee sabtidii ka hor inta aan si dhab ah loo xirin saacad iyo bar ka dib garoonka.

Mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa horay loogu xukumay qaran dumis iyo dambiyo kale.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here