Home Wararka Caalamka Visaha Kenya oo la joojiyay Sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne William Ruto

Visaha Kenya oo la joojiyay Sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne William Ruto

0

Madaxweynaha Dowladda Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu qaadday shuruudihii dal-ku-galka ee dhammaan dadka ajaanibka ah ee dalka Kenya imanaya.

Ruto ayaa sheegay in tallaabadani ay dhiiri-gelin doonto isu socodka dadka iyo badeecadaha xorta ah, ayna Kenya u fureyso fursado badan oo ganacsi.

Madaxweynaha Kenya ayaa arrintaan uga dhawaaqay munaasabadda xuska sanad-guuradii 60-aad ee maalinta xoriyadda dalka Kenya, waxayna si rasmi ah u dhaqan-geli doonta horraanta bisha January ee 2024-ka.

“Waxaa meesha ka bixi doonta dhibaatadii ay markii hore dadka imaanaya Kenya ama usoo safraya ay ku qabi jireen inay soo dalbadaan dal ku galka dalka Kenya,” ayuu yiri Ruto oo gebi ahaanba qaaday shuruudihii dal-ku-galka Kenya.

Tallaabadan ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyay siyaasiyiinta Kenya, waxayna u arkaan tallaabada ay Kenya ku qaaday shuruudihii soo dalbashada dal-ku-galkeeda ay u horseedi karto fursado kala duwan oo dhanka horumarka ah.

“Waa arrin cusub oo hore u jirin, aad ayay dadka ugu adkaan jirtay in la helo Visa lagu soo galo dalka Kenya. Tan aad ayay u fiicnaan doonta oo waxay badin doonta dadka dalxiiska waddanka kusoo gali lahaa iyo wixii ganacsi iyo si walba uga faa’iidi lahaa imaanshaha waddankaan,” ayuu yiri Maxamed Simba oo kamid ah siyaasiyiinta Kenya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here