Home Wararka Caalamka In ka badan hal milyan oo su’aalood oo la soo waydiiyay Madaxweynaha...

In ka badan hal milyan oo su’aalood oo la soo waydiiyay Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin

0
Photo/Sputnik/Sergey Guneev/Kremlin via REUTERS

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa qaban doona shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay kadib duulaankii ballaarnaa ee Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

Marka laga soo tago su’aalaha wariyaasha, waa inuu ka jawaabaa su’aalaha dadweynaha

Kulankiisa waxaa lagu darayaa barnaamijka wicitaanka sannadlaha ah ee muwaadiniinta waxaana si toos ah u baahin doona dhammaan kanaallada ugu muhiimsan ee Telefishinada Ruushka.

Qabanqaabiyaasha ayaa sheegay in ay heleen in ka badan hal milyan iyo bar su’aalood.

Munaasabadan ayaa la baajiyay sanadkii hore, waxaana dadka wax falanqeeya ay sheegayaan in go’aanka lagu gaaray sanadkan uu u muuqdo mid muujinaya kalsoonida Putin ee dhanka dagaalka muddada socda ee kala dhaxeeya Ukraine.

Sidoo kale waa markii ugu horeysay tan iyo markii la galay dalka Ukrain in saxafiyiinta reer galbeedka loo ogolaado in ay ka qeyb galaan shirka jaraa’id.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here