Home Wararka Maanta Ururka Shaqaalaha Sweden oo ka digay Shaqo joojin ka dhacda Dalka

Ururka Shaqaalaha Sweden oo ka digay Shaqo joojin ka dhacda Dalka

0

Ururka shaqaalaha ee Handels ayaa hada ku dhawaaqaya shaqo joojin ilaa shirada loo shaqeeyo iyo ururada shaqaalaha ay ku heshiiyaan heshiis cusub kahor 13 Nofembar, sida lagu sheegay war saxaafadeed.

Xaaladdaasi shaqo joojinta ayaa keeni karta in ku dhowaad 5,000 xubnood oo waddanka oo dhan ah ay sameeyaan shaqo joojin.

Ururka shaqaalaha ee ‘Handels’ iyo ururka shaqobixiyaasha ayaa ku xannibmay wadaxaajoodka heshiiska cusub ee wadajirka ah ee loogu talagalay shaqaalaha dukaamada gaarka ah, bakhaarada iyo ganacsiga elektaroonigga ah.

Ganacsatada Iswiidhishku ma doonayaan in ay kordhiyaan mushaharka si la mid ah kuwa kale ee wershedaha kale, ururka shaqaalahana ayaana taasi kasoo horjeeda.

Sidaa darteed, ururka shaqaaluhu wuxuu hadda ku hanjabayaa shaqo joojin ay ka qayb qaadanayaan 5,000 oo xubnood haddii heshiis cusub uusan diyaar ahayn 13ka Noofambar.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here