Home Wararka Denmark Raiisel wasaaraha Denmark Mette Frederiksen oo la karantiilay

Raiisel wasaaraha Denmark Mette Frederiksen oo la karantiilay

0

Raiisel wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa la galiyay Xaalad karantiil ah Tan iyo markii wasiirka cadaalada Nick Hækkerup (S), oo ay la kulantay jimcihii la soo dhaafay, la ogaaday inuu qabo cudurka.

Mette Frederiksen iskuma arkin wax calaamado ah, wayna sii shaqeyn doontaa intii suurtagal ah, laakiin hada waxay mareysaa kulamada dhijitaalka ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raisal wasaaraha Denmark

13 ka mid ah 20ka wasiir ee ka tirsan xisbiga Sooshal dimuqraadiga ayaa hadda go’doon ah oo karantiil ku jira.

Baarlamanka Denmark dhowr Xubno ayuu ku dhacay corona, oo uu kamid yahay Pape Poulsen, gudoomiyaha xisbiga Konserfatifka. , tani waxay keentay in la baajiyo codadkii iyo in saacad su’aal la weydiin lahaa Ra’iisul Wasaaraha dib loo dhigay.

Somaliska Copenhagen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here