Home Wararka Maanta Ulf Kristersson oo soo dhisaya Dowlada Cusub Sida uu Shaaciyay Gudoomiyaha Barlamaanka

Ulf Kristersson oo soo dhisaya Dowlada Cusub Sida uu Shaaciyay Gudoomiyaha Barlamaanka

0
Andreas Norlén. Photo: TT

Gudoomiyaha Barlamaanka Sweden Andreas Norlén ayaa shaaca ka qaaday in Ulf uu soo dhisayo dowlada Cusub arintan ayuu u sheegay Xisbiyada barlamaanka Dalka.

Go’anka Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa ka dhigan in hada laga bilaabo uu Hogaamiyaha Xisbiga Moderaterna uu soo dhisayo dowlad Cusub isagoo heesta mudo 3 maalin si uu u soo hubiyo hadii uu taageero ka heli karo Xisbiyada kale.

Xisbiga Moderaterna ayaa ahaa xisbiga meesha ka saaray dowladii Stefan kadib markii uu taageero ka helay Xisbiga Vänsterparties.

Ulf Kristersson ma heesto Codeyn ku filan oo dhanka Barlamaanka ah sidaasi darteed waa in uu taageero ka helo xisbiga S waxana la filayaa in codeynta dhacdo isbuuca danbe sida uu sheegay gudoomiyaha Barlamaanka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here