Home Wararka Caalamka ‘Ukraine waa dawladda magac u yaal ah’: 5 arrimood oo Putin uga...

‘Ukraine waa dawladda magac u yaal ah’: 5 arrimood oo Putin uga hadlay waraysiga hadal haynta dhaliyay

0
khail Metzel, Sputnik, Kremlin Pool Photo/AP) TT

Tan iyo markii uu bilaabay duulaankiisa Ukraine bishii Febraayo ee sanadkii 2022 ilaa hadda, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ma uusan siin wareysi saxafiyiinta reer galbeedka.

Khamiistii todobaadkan, Putin waxaa uu waraysi aan caadi ahayn siiyay weriyaha muranka dhaliyay ee Maraykanka Tucker Carlson kaas oo la baahiyay.

Carlson waxa uu daadihiyay waxa lagu tilmaamay barnaamijka ugu caansan ee ka baxa Telefishanka Fox News tan iyo bishii April 2023, markaasoo shirkaddu ay shaqada ka eriday iyada oo aan la macnayn sababta looga eryay.

Wuxuu leeyahay shirkad madax-bannaan oo u gaar ah oo lagu magacaabo Tucker Carlson Network, iyo sidoo kale boggiisa gaarka ah oo uu ku leeyahay shirkada X ee horey loo oran jiray (Twitter).

Waxaa uu inta badan bartiisa ku baahiyaa waraysiyo uu layeesho siyaasiyiinta garabka midig, oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee Mareynkank, Donald Trump.

Intii lagu guda jiray wareysiga Khamiista, Putin wuxuu su’aal ka keenay hanaanka qaranka Ukraine waxaana uu sidoo u qiil dayay “howlgalkiisa milatari ee ka dhanka ah Kiev.

Waxaa uu iftiimiyay khatarta ka dhanka ah Ruushka ee ballaarinta NATO.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu sheegay in uusan doonayn, inuu ku duulo Poland ama waddan kale oo NATO ka mid ah.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa ku macneyaya wareysiga Putin isku day uu ku doonayay in uu ku majaxaabiyo codbixiyayaasha doorashada Maraykanka sanad gudihiis dalkaasi ka dhacaysa .

Waxa ay sidoo kale uu sheegeen in wareysiga uu dhacayo xilli Congress-ka Mareykanka uu ka doodayo in la ansixinayo lacago dheeraad ah oo lagu bixiyo gargaarka milatari ee Ukraine, taas oo ay diideen xildhibaannada Jamhuuriga ee ku dhow Donald Trump.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa dhaleeceyay gargaar balaayiin doollar ah oo ay Washington u dirtay Ukraine, wuxuuna soo jeediyay in la joojiyo colaadda.

Waxa kale oo muran ka dhashay muuqaal xayaysiis ah oo uu sii daayay Carlson ka hore wareysiga kaas oo uu ku sheegay in “uusan jirin suxufi reer galbeed ah” oo danaynaya in uu Putin wareysto tan iyo 2022.

Hadalkiisa ayaa dhaliyay dhaleecayn maadaama ay jiraan tiro badan oo saxafiyiin ah oo ka kala socda warbaahino kala duwan kuwaas oo sheega in marar badan ay codsadeen in wareysiyo ay la yeeshaan madaxweynaha Ruushka oo aan waligood la ogolaan, waxaa ka mid ah Steve Rosenberg, tafatiraha BBC Russia.

Afhayeenka Kremlin-ka Dimitry Peskov ayaa xaqiijiyay in ay diideen wareysi kale ka hor Carlson.

1.“waa wax aan macquul ahayn in Ruushku qorsheeynayo duulaan ka dhan ah Poland, Lithuania ama waddan kale oo NATO ah”

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in dalkiisu uusan wadin qorshe uu ugu duulayo Lithuania, Poland ama waddan kale oo NATO ah, isagoo sheegay in suurtagalnimada arrinta ay tahay “mid aan macquul ahayn.”

Duullaanka Ukraine waxa uu cabsi ku abuuray dalalka Baltic-ga, Poland iyo wadamo kale oo Yurub ka tirsan oo laga yaabo in Ruushku sidoo kale u soo jeediyo ciidamadiisa.

Finland iyo Sweden, oo ah waddamo dhexdhexaad ka ahaa dagaalka u dhexeeya Moscow iyo Galbeedka, ayaa go’aansaday inay codsadaan xubinnimada NATO.

Putin ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada duulaan kale, Waxa uu sheegay in ay dhici doonto hal kiis oo kaliya, “haddii Poland ay weerarto Ruushka.”

Todobaadyo ka hor weerarkii militariga Ruushka ay ku qaadeen Ukraine, Moscow ayaa sidoo kale si isdaba joog ah u beenisay inay qorsheyneyso duulaan ka dhan ah Ukraine taas oo Mareykanka iyo hay’adihiisa sirdoonku ka digayeen.

2.Haddii Maraykanku rabo in dagaalka la joojiyo “waa in uu joojiyo hubka uu u dirayo Ukraine”

3. Ukraine waa dawlad magac u yaal ah oo lagu abuuray rabitaanka Stalin”

Intii lagu guda jiray wareysiga, Putin wuxuu soo xigtay tixraacyo taariikhi ah oo badan, qaar waxay dib ugu noqdeen qarnigii 13aad.

Wuxuu ku nuuxnuuxsaday taariikhda Midowga Soofiyeeti, dagaalkii labaad ee aduunka iyo sheekooyin kale .

Wuxuu sheegay in fikradda yagleelidda dowladda Ukraine uu ahaa been abuur ku salaysan rabitaanka Stalin”

Si kastaba ha ahaatee, taariikhyahan Matthew Lenoe oo ka tirsan jaamacadda Rochester ayaa xusay in inkasta oo taariikhda dawladda Ukraine ay suurtogal tahay in dib loogu celiyo 1918, hadana uusan shaki ku jirin in ay dowladda yihiin.

“Putin waxa uu ku andacoonayaa in aanay jirin taariikh Ukraine oo ka duwan tan Ruushka.

“Dadka ku hadla luuqada Ukraine iyo dhulka ay ka kooban tahayba, waxaa ka jiray waxyaabo badan oo kala duwan, dawlado iyo boqortooyooyin kala duwan.”

4.”Heshiis laga yaabo in laga gaaro siideynta wariyaha Mareykanka ah ee ku xiran Ruushka”

Putin waxa uu soo hadal qaaday xaaladda Evan Gershkovich, oo ah wariye ka tirsan “The Wall Street Journal” oo Ruushka loogu xiray eedeymo basaasnimo.

Putin waxa uu sheegay in uu rumaysan yahay in heshiis la gaari karo si loo sii daayo Gershkovich, oo 32 jir ah “

Gershkovich, oo ah wariye ka tirsan wargeyska Wall Street, ayaa lagu xiray magaalada Yekaterinburg, oo qiyaastii 1,600 oo kilomitir bari ka xigta magaalada Moscow, 29-kii bishii March ee sanadkii hore.

Bishii Janaayo, Ruushku wuxuu mar kale kordhiyey mudad la sii hayna karo ilaa dhammaadka Maarso.

Hadii lagu helo dambiga lagu soo oogay waxa uu muteysan doonaa 20 sano oo xarig ah.

Carlson ayaa Putin waydiiyay bal inuu diyaar u yahay inuu si degdeg ah u sii daayo wariyaha.

Wargeyska uu u shaqeeynayay iyo dowladda Mareykanka ayaa ku andacoonaya in wariyaha si sharci darro ah loo xiray.

5. “Mareykanku wuxuu ballan qaaday in NATO aysan ballaarin doonin, waxayna taas dhacday shan jeer.”

Qayb ka mid ah wareysigaan dheeraa ee uu Putin siiyey Tucker Carlson waxa uu soo hadal qaaday in marar kala duwan Maraykanku uu u sheegay Ruushka in NATO aanay bariga ku ballaaran doonin oo aan lagu dari doonin dalalka u dhow Ruushka.

Sida laga soo xigtay madaxweynaha Ruushka, hoggaamiyeyaal dhowr ah oo aanu si buuxda u magacaabin ayuu tilmaamay in ay u ballan qaadeen Kremlin in NATO aan la ballaarin doonin.

Doodda Putin maaha mid cusub, hogaamiyihii ka horreeyay Putin, Boris Yeltsin, ayaa ku andacoodey in ballaarinta NATO ee dhanka bari ay tahay “sharci darro” 1993-kii.

Yevgeny Primakov, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Ruushka, ayaa isna arrin taa la mid ah horey u sheegay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here