Home Wararka Caalamka Maxay wadaagaan Senator-ka Mareykanka ee Delaware iyo Hogaamiyaha Jarmalku? Jawaabtu waa, wax...

Maxay wadaagaan Senator-ka Mareykanka ee Delaware iyo Hogaamiyaha Jarmalku? Jawaabtu waa, wax aad u badan.

0

Maxay wadaagaan Senator-ka Mareykanka ee Delaware iyo Hogaamiyaha Jarmalku? Jawaabtu waa, wax aad u badan.

Chris Coons iyo Olaf Scholz ayaa ku kulmay caasimadda Washington ee Maraykanka Khamiistii. Ka dib, waxay wada qaateen sawir oo ay soo galiyeen internet-ka iyaga oo ku qoslaya isla su’aashii.

Senetar Coons ayaa ku kaftamay – “waa kuma kani?”

Inta u dhaxaysa timahooda cirrada isku dhow, bidaarta da’da dhexe iyo dhoola cadeynta gaws dambeedku muuqdo, jaleecada hore way adagtahay in la kala garto.

Scholz, oo ah hogaamiyaha dowlada wadaaga ah ee saddexda xisbi ee Jarmalka oo xukunka qabtay 2021, ayaan inta badan lagu aqoon kaftan. Laakiin siyaasiga garabka bidix ee ruug cadaaga ah ayaa si degdeg ah ugu soo biiray madadaalada.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan mar kale arko ninka ii eg,” Scholz ayaa ku qoray sidaas boggiisa X, oo hore u ahaan jirtay Twitter, wuxuuna soo raaciyey sawirka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here