Home Wararka Caalamka Toogasho ka Dhacday Västerås oo Qof ku dhaawacmay

Toogasho ka Dhacday Västerås oo Qof ku dhaawacmay

0
Foto: Jonas Carnesten/Sveriges Radio

Hal qof ayaa ku dhaawacmay toogasho galabta ka dhacday xaafadda Bäckby ee magaalada Västerås, sida ay booliisku sheegeen.

“Waxaan haynaa hal dhaawac oo la xaqiijiyey,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Magnus Jansson-Claren. Waxaana goobta jooga tiro badan oo Ciidanka Booliska waxaanan isku dayeynaa inaan fikrad ka helno waxa dhacay.”

4.47 galabnimo ee maanta, bilayska ayaa helay warbixino dhowr ah oo ku saabsan dhawaqa rasaasta la maqlay.

Ciidamo roondo ah ayaa goobta la dhigay, iyadoo booliisku aysan weli awoodin inay ogaadaan heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca qofka.

Ilaa hadda ma aysan shaacin cid ay u soo qab qabteen iyo in la aqoonsan karo qof laga shakisan yahay

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here