Home Wararka Caalamka Toogasho ka dhacday Magaalada Eskilstuna oo Qof lagu dilay

Toogasho ka dhacday Magaalada Eskilstuna oo Qof lagu dilay

0
Foto Mikael Fritzon / TT

Nin 25 jir ah ayaa dhintay tan kadib markii lagu toogtay Eskilstuna fiidnimadii Jimcaha.

Wax yar ka hor 10-kii fiidnimo ee fiidnimadii jimcaha, bilayska ayaa laga soo wacay dhowr taleefoon oo ku saabsan jug weyn oo ka dhacay degmada Skiftinge ee Eskilstuna.

– Sawirka guud waxa uu ahaa, in rasaas badan la maqlay,, ayuu TT u sheegay afhayeenka bilayska Magnus Jansson Klarin.

Waxaa goobta lagu arkay nin 25 jir ah oo uu dhaawac ka soo gaaray. Ninkan ayaa dhaawac ahaan loo qaaday isagoo markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Dhismo iyo gaari ayaa sidoo kale rasaasta lagu furay, balse lama soo sheegin cid kale oo wax ku noqotay.

Subaxnimadii Sabtida, ma jirto cid weli loo soo qabtay kiiska. Hase yeeshee, booliisku waxay qaadeen waraysiyo badan.

Ninka la toogtay ayaa horey boolisku u garanayeen.

– Waxa jira tuhuno laga qabo in uu qayb ka yahay shabakadaha dembiilayaasha, ayuu TT u sheegay Lenart Ahlin, oo ah sarkaal heegan ka ah gobolka bari.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here