Home Wararka Caalamka Denmark oo lagu gubay Quraanka Kariimka, xili Wali ay Xiisad jirto

Denmark oo lagu gubay Quraanka Kariimka, xili Wali ay Xiisad jirto

0
Henrik Montgomery / TT

Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa cambaareysay falka lagu gubay Quraanka meel ka baxsan safaaradda Ciraaq ee caasimadda Denmark ee Copenhagen.

“Wasaaradda arrimaha dibadda waxay si adag oo ku celcelis ah u cambaaraynaysaa falkii lagu xad-gudbay Qur’aanka Kariimka ah iyo calanka Ciraaq ee ka dhacay afaafka hore ee safaaradda Ciraaq ee Danmark,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa beesha caalamka inay si degdeg ah uga soo horjeestaan ​​ficillada “xadgudub ku ah nabadda bulshada iyo wada noolaanshaha adduunka”.

Bilayska Kobanheegan ayaa wakaaladda wararka ee Ritzau u xaqiijiyey in laba qof ku gubeen “buug” safaaradda galabnimadii Jimcaha. Si kastaba ha ahaatee, booliiska ayaa ka gaabsaday inay caddeeyaan inay si sax ah u tahay nuqul ka mid ah Quraanka

Kooxda Islaam nacaybka ah ee Danske Patrioter ayaa ka dambaysay gubista buugga, sida ay booliisku u sheegeen DR.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here