Home Wararka Caalamka Dowlada Iran oo Dalkeeda u diiday Safiirka Cusub ee Sweden

Dowlada Iran oo Dalkeeda u diiday Safiirka Cusub ee Sweden

0
Photo/Getty image

Iran ayaa ku dhawaaqday in dalkeeda aysan u ogolaan doonin safiirka Sweden ee imaanaya dalka, sida ay qortay AFP.

Go’aankan ayaa yimid ka dib markii olole cusub oo lagu gubayo qur’aanka kariimka ah lagu soo agaasimay safaaradda Ciraaq ee Stockholm Khamiistii hore.

– Waxaa dhammaaday muddadii xafiiska safiirka Sweden ee Tehran, sida uu dhigayo amarka madaxweynaha, ma aqbali doono safiirka cusub ee Sweden ilaa ay dawladda Sweden qaaddo tallaabooyin adag oo la xidhiidha nijaasaynta qur’aanka kariimka ah, sida uu Jimcihii u sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Hossein Amir-Abdollahian, oo la hadlay telefishinka qaranka Iran Jimcihii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Wuxuu kaloo uu sheegay

– Safiirka Iran looma diri doono Sweden.

Hadalkan ayaa imaanaya ka dib mudaaharaadyo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Tehraan, halkaasoo ay Jimcihii isugu soo baxeen boqolaal qof oo mudaaharaadayaal ah oo isugu soo baxay afaafka hore ee safaaradda Sweden.

Mathias Otterstedt waxa uu noqday safiirka cusub ee Sweden u fadhin doona Tehran bisha Agoosto.

Xigasho/Aftonpladet

somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here