Home Wararka Caalamka Sacuudiga, Qatar iyo Iran oo u yeeray Safiiradooda Dalka Sweden

Sacuudiga, Qatar iyo Iran oo u yeeray Safiiradooda Dalka Sweden

0

Shalay waxaa dalka Sweden ka dhacay kulan cusub oo dadkii soo qabanqaabiyay ay ku aflagaadeeyeen qur’aanka kariimka ah, taas oo keentay in Ciraaq ay ku dhawaaqdo in ay qaadacday diblumaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo ay la gashay Sweden, sidoo kale waxaa ka dhashay falcelin cadho leh oo ka dhacay dalalka Carabta iyo Islaamka.

Shalay ayay ahayd markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ay shaacisay inay u yeertay Siihayaha Safaaradda Sweden ee Riyaad, waxayna u dhiibtay warqad cabasho ah oo xooggan oo ay ku cambaareyneyso xadgudubka joogtada ah ee Qur’aanka Kariimka ah ee ka socda Sweden.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday Sweden inay qaado tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah oo degdeg ah si loo joojiyo falalkan oo ay ku tilmaantay “wax laga xumaado”.

Dhankeeda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa shalay u yeertay Safiirka Sweden u fadhiya Doha, waxayna u dhiibtay warqad cabasho ah oo la mid ah.

Waxa ay sidoo kale cambaareysay aflagaadada loo geystay qur’aanka kariimka ah , waxayna cambaareysay soo noqnoqoshada ogolaanshaha falalkan “ceebdarrada ah” ee Sweden, iyadoo ugu baaqday Stockholm inay qaado tillaabooyin looga hortagayo inuu soo noqdo.

Dowladda Kuwait ayaa cambaareysay falkan, waxaana afhayeen u hadlay uu bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay in ay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee caalamiga ah si looga hortago in ay soo noqoto.

Magaalada Tehran, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sidoo kale u yeertay safiirka Sweden si ay uga mudaaharaadaan “aflagaada soo noqnoqda ee lagu hayo xurmada Islaamka.”

Afhayeen u hadlay Iswiidhan waxa uu tixgaliyay in “Sweden ay qaadayso mas’uuliyadda cawaaqibka kicinta dareenka muslimiinta adduunka.”

Turkiga ayaa dhankiisa cambaareeyay Qur’aanka Kariimka ah ee Stockholm, waxayna ugu baaqday Sweden inay qaado “tallaabooyin looga hortagayo dambiyada nacaybka ee ka dhanka ah Islaamka.”

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa mar kale cambaareysay aflagaadada loo geystay Qur’aanka, iyada oo u aragta “in ay muujinayso nacaybka iyo cunsuriyadda loo qabo Islaamka”.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa sidoo kale cambaareysay ku xad-gudubka Qur’aanka Kariimka ah ee dalka Sweden “iyado ay ilaalinayaan mas’uuliyiinteeda,” iyada oo arrintan ku tilmaantay “fal aan ka fiirsasho lahayn oo hurinaya nacayb diimeed”.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here