Home Wararka Maanta Tirada Toogashada Caasimada Stockholm oo hoos u dhacday Sanadkan

Tirada Toogashada Caasimada Stockholm oo hoos u dhacday Sanadkan

0

Baaritaan ay sameeysay laanta wararka Ekot ayaa lagu ogaaday in tirada dadka toogashada lagu diley magalada Stockholm sannadka ay illaa imminka ku dhowdahay tirada dadkii toogashada lagu diley sannadkii hore oo dhan. Guud ahaan 18 qof ayaa sanadkan ku dhintay is rasaaseynta Sweden.

Diana, oo run ahaantii magac kale leh, ayaa walaalkeed oo 18 jira xabad lagu diley.

– Waan aamini la’ahay wali inuu dhintay, ayey tiri Diana.

11-kii bishii abriil ayaa laba wiil oo dhalinyara ah oo jira 18 iyo 20 sano, meydkooda laga helay maqaasiin dhismaha hoose ee xaafadda Sätra, Stockholm. Wiilashan ayaa rasaas lagu diley sida uu boliisku sheegay.

Sababta ka danbeysay dilka labadan wiil ayaan wali war loo heyn iyadoo aanu ciidanka ammaankuna ka warramin arintaa, iyadoona wiilashan aan horey wax danbi ah loogu xukumin.

Boliiska ayaa sheegay in toogasho kor u dhaaftay 30 ay ka dhacday gobalka Stockholm sanandkan iyadoo ay sagaal qof ku dhinteen taasoo ku dhow tirada dadka sanadki hore u dhimatay toogashada oo aheyd 11, iyadoo aanu weli sannadku bar garin.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here