Home Wararka Maanta Dalka Holand oo aqoonsaday Basaboorka Somaliga

Dalka Holand oo aqoonsaday Basaboorka Somaliga

0

Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in Dalka Holland oo kamid ah wadamada kuyaala Qaarada Yurub uu aqoonsaday baasaboorka Diblumaasiga iyo kan shaqaalaha dowlada Soomaaliya .

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in Holland si rasmi ah u aqoonsatay baasaboorka diblumaasiga iyo kan shaqaalaha Soomaaliya, waxa uuna xusay in hada kadib dalkaasi lagu gali karo baasaboorkaasi.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-ka” ayuu yiri Cali Fiqi.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuleesatay in ay hormariso baasaboorka Soomaaliya oo hada wadamo badan lagu gali karo, waxaana horey baasaboorka Soomaaliya gaar ahaan kan diblumaasiga iyo shaqaalaha u aqoonsaday wadamo qaarkood Yurub ku yaalaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here