Home Wararka Maanta Natiijada Doorashada Barlamaanka Midowga Yurub ee Sweden ka dhacday

Natiijada Doorashada Barlamaanka Midowga Yurub ee Sweden ka dhacday

0

Doorashada Barlamaanka Midowga Yurub ayaa xalay ku soo dhamaatay Gobolada Dalka Sweden Abaaro 9 Fiidnimo waxana lagu dhawaaqay Natiijada kasoo baxday Codadka la dhiibtay.

Doorashada ayaa aheyd mid lagu dooranayay Xubnaha Sweden uga mid noqonaya Barlamaanka Midowga Yurub Waxana Sweden heesataa 20 Kursi oo Barlamaanka Yurub ah taasi oo xisbiyada ku tartameen.

Xisbiga Socialdemokraterna ayaa noqday xisbiga ugu horeeya ee doorashada Waxana codadka la tiriyay uu helay 20 Boqolkii waana tiro lamid ah tirada Sanadkii hore.

Xisbiga Moderaterna ayaa noqday xisbiga labaad isagoo helay 18 boqolkiiba codadka la dhiibtay doorashada.

Xisbiga Midigta Fog ee Cunsuriga Sverigedemokraterna ayaa aad saro ugu kacay isagoo helay 17 boqolkiiba Xisbiga ayaa sanadkii hore heestay 10 kaliya.

Xisbiga Centerpartiet ayaa helay 10 Boqolkiiba codadka la dhiibtay isagoo labo jibaarmay tirada uu heestay sanadkii hore oo aa u yareed.

Xisbiga Miljöpartiet ayaa lumiyay taageerayaal badan isagoo hoos u dhacay ilaa 10 Boqolkii lakin doorashada waa uu ku soo baxay codadka uu helay.

Xisbiga Vänsterpartiet ayaa helay tiro lamid ah sanadkii hore oo ah 6 halka Xisbiga KD uu helay 8 boqolkii codadka la dhiibtay.

Xisbiga Feministiskt initiativ oo sanadkii hore kamid ahaa Barlamaanka Yurub ayaa sanadkan helin wax cod ah isagoo waayay xubinimadiisa.

Doorashada ayaa aheyd mid xiiso gooni ah wadato marka la eego Xisbiga S oo kaalinta ugu horeesa ku jira iyo Xisbiga SD oo sanad walbo kor u soo kaca

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here