Home News in English Maajid oo noqday Somaligii ugu horeeyay ee ku guuleesta Barlamaanka Midowga Yurub

Maajid oo noqday Somaligii ugu horeeyay ee ku guuleesta Barlamaanka Midowga Yurub

2

Wiil dhalinyaro ah oo asalkiisu Soomaali yahay balse heesta dhalashada dalka Britain ayaa sameeyay taariikh cusub, kadib markii loo doortay in uu kamid noqdo Baarlamaanka Midowga Yurub.

Maajid Maajid oo horey usoo noqday Duqii magaalada Sheffield ee dalka Britain ayaa hada kamid noqday Baarlamaanka Midowga Yurub, waxa uuna ninkan dhalinyarada horey u noqday Soomaaligii ugu horeeyay ee Duq magaalo ka noqda Britain.

Ninkan dhalinyarada ayaa caan ka noqday saxaafada intii uu ahaa duqa magaalada Sheffield, kadib markii sanadkii hore ka dhawaajiyay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uusan imaan karin magaalada uu Duqa ka yahay.

Maajid ayaa qoyskiisa isaga oo shan sano jir ah waxa ay tageen dalka Britain iyaga oo ka tagay magaalada Burco, waxa uuna wiilkan Soomaaliyeed noqday siyaasi saameyn badan leh magacna ku dhax yeeshay dalka Britain.

Somaliska UK

AD

2 COMMENTS

  1. Masha Allah Tawaarak, Mabruuk ????????????????. Noqo dadka Soomalida dhibka ku qaba london inaad wax u qabatid qaas ahaan Wiilasha Dhalinyarada oo dilla loo geesto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here