Home Wararka Maanta Tirada Qaxootiga Sweden oo hoos ugu dhacday inta horay loo saadaaliyay

Tirada Qaxootiga Sweden oo hoos ugu dhacday inta horay loo saadaaliyay

0

Wakaalada Socdaalka Sweden ayaa shaacda ka qaaday in tirada Qaxootiga Sweden ay hoos ugu dhacday tirada horay loo saadaaliyay oo aheyd 10 ilaa 17 kun oo Qaxootiga ah sanadkan 2020 waxaan saameynta ugu badan lagu sheegay xanuunka safmarka ee ka bilowday dalka.

Tirada Qaxootiga ee hoos u dhacday ayaa gaartay 8000 kun oo Qaxootiga ah waana markii ugu horeesay oo sadan dhacdo tan iyo sanadkii 1999 markaasi oo tirada Qaxootiga ay hoos ugu dhaceen inta laga filayay.

tan iyo markii laga soo bilaabay bishii March waxaa laanta socdaalka iska diiwaan galiyay 120 Qof oo magangalyodoon ah waana tiro aad u hooseesa ayuu yiri Mikael Ribbenvik. oo ka tirsan qeybta Migrationsverket.

Xaalada Qaxootiga Yurub ayaa adkaatay bilowga sanadkan waxana taasi ugu wacan tahay xaalada Corona oo saameyn xoogan ku yeeshay isku socodka aduunka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here