Home Wararka Maanta Xaafada Tensta oo lagu dhaawacay Labo qof Weerar loo adeegsaday Toorey/mindi

Xaafada Tensta oo lagu dhaawacay Labo qof Weerar loo adeegsaday Toorey/mindi

0

Wararka laga helayo xaafada Tensta gaar ahaan dhanka Nawaaxiga Gullingplan ayaa sheegaya in halkaasi lagu dhaawacay labo qof iyadoo dhaawaca loo isticmaalay toorey ama mindi maanta oo Axad ah goobta uu falkaasi ka dhacay waxaa xiray booliska oo baaritaan ka bilaabay.

Sida uu sheegay afayeen u hadlay booliska Stockholm ku dhawaad labo qof ayaa lagu dhaawacay toorey mid kamid ah ayaa dhaawaca waxa uu kasoo gaaray gacanta halka midka kale lagu sheegay in uu dhaawiciisa yahay mid halis ah.

labada qof ee la dhaawacay ayaa da’dooda lagu sheegay 30 sano jir iyo 50 sano jir kuwaasi oo la dhigay isbitaalka si loogu daweeyo mana jirto qof loo qabtay lakin booliska ayaa bilaabay baaritaan la xiriira in weerarka uu ahaa mid isku day dil ah.

Xaafada Tensta ayaa kamid ah meelaha ay ku noolyihiin ajaanibta ugu badan ee Sweden waxana ajaanibtaasi ugu badan Somalida oo ku nool badi magaalada.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here