Home Wararka Maanta Tirada Dhimashada Cudurka Coronavirus ee Sweden oo lasoo bandhigay

Tirada Dhimashada Cudurka Coronavirus ee Sweden oo lasoo bandhigay

0

Hay’ada Caafimaadka Dadweynaha Folkhälsomyndighetens ayaa soo bandhigtay warbixinteeda ku aadan Xaalada Xanuunka Coronavirus ee Dalka waxana warbixinta ugu danbeesay lagu sheegay in Caasimada Stockholm uu xanuunka hoos u dhacay.

Ku dhawaad 793 qof ayaa u dhimatay Xanuunka tan iyo markii uu dilaacay waxana xaalada qatarta ah ku jira 471 Qof iyadoo tirada dadka uu ku dhacay ay gaarayaan 9141 Qof.

Dowlada ayaa warbixinteeda  ku sheegtay in Magaalada Stockholm uu xanuunka hoos ugu dhacayo marka loo eego sida uu ku socday xanuunka Coronavirus.

Madaxada hay’ada Caafimaadka Bulshada Anders Tegnell ayaa yiri ‘ waxaan ku suganahay xaalad lamid ah tii dhamaadka Isbuucii hore”

Ugu danbeyb 24 saac ee lasoo dhaafay waxaa la diiwaan galiyay 700 boqol oo kiisas cusub ah iyadoo la filayo in intaaasi ka yaraadaan

Somaliska Stockholm

Waxaa turjimay Somaliska.com

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here