Home Wararka Maanta UK:- Boris Johnson oo laga saaray Xaalada deg dega xili Dadkii ugu...

UK:- Boris Johnson oo laga saaray Xaalada deg dega xili Dadkii ugu badnaa u dhinten Cudurka Coronavirus

0
AP Photo/Frank Augstein, Pool)

Ra’iisal wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa la sheegay inay xaaladiisa caafimaad kasoo reysay iyadoo iminka laga saaray xaaladii degdegga ahayd ee uu ku jiray, waxaana la soo weriyey inuu kasoo kabanayo saameynta cudurka COVID-19 oo dhowaan laga helay.

Boris Johnson ayaa laga furay qalabka neefta siiya bukaanada uu naqasku ku dhego, waxaana la geeyey qeyb kale oo gaar ah halkaasoo lagula soconayo xaaladiisa caadimaad.

Dhinaca kale, Dalka Ingiriiska ayaa maanta laga diiwaangeliyey tiradii ugu badneyd ee maalin qura cudurka Coronavirus ugu geeriyoota dalkaasi, markii la shaaciyey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay cudurka u dhinteen 938 qof.

Geerida dadkani ayaa tirada dadka Covid-19 ugu dhintay UK waxay gaarsiisay 7097 qof, waxaana tirada cudurka sida ay hadda mareysaa 60,773 qof, iyadoo Ingiriiska uu ku jiro xilligii ugu darnaa ee faataanka cudurka Covid-19.

Dadka shalay ku dhintay UK waxaa ka mida dhaqtar muslim ah oo Ra’iisal wasaaraha UK ka codsaday in dhaqaatiirta iyo shaqaalaha caamaadka la siiyo qalabka ay ku howlgeli lahaayeen si ay isaga difaacaan cudurka Coronavirus.

Abdul Mabud Chowdhury oo ahaa dhaqtar 53 sano jir ah, kana soo jeeda dalka Bangladesh ayaa ka mid noqonaya dhaqaatiir muslimiin ah oo UK ugu geeriyooday, iyagoo ku jira safka hore ee dagaal lagula jiro cudurka Coronavirus, wuxuuna ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Bariga London.

Somaliska uk

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here