Home Wararka Caalamka Tirada Dadka laga Ceshtay Sharciga Deganaanshaha Sanadkan oo lasoo bandhigay

Tirada Dadka laga Ceshtay Sharciga Deganaanshaha Sanadkan oo lasoo bandhigay

0

Tirokoob ay soo saartay Hay’adda Socdaalka ayaa muujisay in 6,000 oo qof ay ka laabteen degenaanshiyaha Sweden tan iyo bishii Jannaayo ee la soo dhaafay, taasoo saddex laab ka badan tiradii sanadkii hore. Sida uu sheegay Radio Sweden maanta.

Dawladdu waxay u xilsaartay Hay’adda Socdaalka bishii Disembar dhamaadkii sannadkii hore inay kordhiso tirada kala noqoshada degenaanshaha iyo oggolaanshaha shaqada.

Madaxa warfaafinta ee Hay’adda Socdaalka Jesper Tengrot oo la hadlay Radio Sweden ayaa sheegay in sababta ugu badan ee sharciga loo joojin karo ay tahay in qofku uusan ku noolayn Sweden ama uusan imaanin Iswiidhan. Wuxuu intaas ku daray in tirooyinkan ay u dhigmaan shaqada ay dowladdu u xilsaartay Hay’adda Socdaalka si ay u kordhiso dhaqdhaqaaqeeda ku aaddan joojinta degenaanshaha.

Hay’adda laanta socdaalka waxay kala noqon kartaa deggenaansho rasmi ah haddii qofku uu dembi galay ama uu ku nool yahay meel ka baxsan sweden. Waxa kale oo ay kala noqon kartaa degenaanshiyaha ku meel gaadhka ah haddii ay ogaato in lagu siiyay sababo khaldan

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here