Home Wararka Caalamka Sweden oo sheegtay in laga Faa’ideysanayo Gubitaanka Quraanka

Sweden oo sheegtay in laga Faa’ideysanayo Gubitaanka Quraanka

0
Foto: Mickan Palmqvist / TT

Mowjada waaweyn ayaa dalka sweden kaga furmay Caalamka tan iyo markii ay ogolaatay in Quraanka lagu gubo dalkeeda iyadoo tiro dhoor jeer ah ay ka dhacday falalkaasi gudaha dalka.

Wasiirka gaashaandhigga Sweden ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay dhibaatada ka taagan dalka Sweden ee lagu gubay qur’aanka kariimka ah iyo saamaynta ay ku yeelan karto siyaasadda iyo amniga, iyadoo uu ka qayb galay kulanka afhayeenka hay’adda difaaca nafsiga ee Sweden .

Shirka jaraa’id ee wasiirku waxa uu ka dambeeyay ka dib markii ay xukuumadda ku naqdisay aamusnaanta dheer ee ay kaga aamusan tahay xasarada qur’aanka kariimka ah iyo saamaynta sii kordhaysa ee gudaha iyo dibaddaba.

Wasiirku waxa uu ka hadlay olole caalami ah oo lagaga faa’iidaysto dhacdooyinka lagu gubayo Qur’aanka kariimka ah oo lagu beegsanayo dalka Sweden, isagoo ku eedeeyay xisbiyada uu Ruushku taageero, ujeedaduna tahay in Sweden dhexdeeda laga abuuro khalkhal weyn, kala qaybinta dalalka reer galbeedka, iyo in la carqaladeeyo ku biiritaanka Sweden ee NATO. .

Bohlin oo ka jawaabayey su’aal ku saabsan suurtagalnimada in ay ku xiran yihiin xisbiyada ajnabiga ah si ay u waxyeeleeyaan Sweden, Bohlin wuxuu ku jawaabay, “Ma doonayo inaan ka hadlo arrintan. Waxaan mar kale xaqiijinayaa in xiriirkooda Sweden uu daciif yahay.”

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here