Home Wararka Caalamka Sweden oo sheegtay inuusan jirin Xal Deg Deg Ah oo lagu Xalinayo...

Sweden oo sheegtay inuusan jirin Xal Deg Deg Ah oo lagu Xalinayo Dhibaatada Quraanka

0
Foto: Oscar Olsson/TT

Wasiirka arrimaha dibadda Tobias Billström ayaa maanta ka qeyb galay shir degdeg ah oo guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka ay isugu yimaadeen oo looga hadlay xaaladda ammaan ee Sweden oo ka dhalatay xasarada qur’aanka kariimka ah iyo waxa ay dowladdu ka qabaneyso sidii xaaladda loo dejin lahaa. Kulanka ka dib, wasiirku wuxuu yiri “ma jiro wax degdeg ah oo lagu xallinayo,” sida ay sheegtay TT.

Dhanka shaqada dowladda ee lagu qaboojinayo mudaaharaadyada caalamiga ah, wasiirku wuxuu u sheegay SVT, “Waxaan wadahadal kula jirnaa dhowr wasiir oo arrimo dibadeed, waxaan wada-hadallo badan la leeyahay waddamada si aan u sharaxo sida qiyamka aasaasiga ah uu uga shaqeeyo waddankeena. Maanta waxaan wada hadal la yeelan doonaa Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka.”

Wasiirka ayaa mar kale ku celiyay mowqifka dowladda ee ku aadan in la gubo qur’aanka kariimka ah isagoo sheegay in ogolaanshaha la siiyay ciidamada booliska kulan lagu gubayo qur’aanka aysan ka dhigneyn in dowladdu ay taageersan tahay falkaasi.

Dowladda iyo hay’adda difaaca cilmi nafsiga ayaa shalay sheegay in xisbiyada uu Ruushku taageero ay ka faa’iidaysanayaan gubashada qur’aanka kariimka ah si ay u bilaabaan olole marin habaabin ah oo ka dhan ah Sweden.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa carabka ku adkeeyay in Sweden ay soo wajahday xaalad halis ah, maadaama muuqaalka dalka uu saameyn xun ku yeelanayo, wuxuuna intaasi ku daray “Hawshayada ugu horeysa oo ugu muhiimsan waa ilaalinta danaha Sweden iyo amniga Iswiidhishka gudaha iyo dibaddaba.

Ra’iisul wasaaraha Ulf iyo wasiirka arrimaha dibadda ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dhibaatada lagu gubay qur’aanka kariimka ah, ka dib markii madax badan oo ka tirsan dalalka Islaamka ay weeraro ba’an ku qaadeen Sweden.

Madaxa hay’adda nabadsugidda Charlotte von Essen ayaa guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka u gudbin doonta qiimeyn iyo hababka wax looga qabanayo danaha.

Xigasho : www.svt.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here