Home Wararka Caalamka Tirada Dadka Da’da Ah oo ku soo kordhaya Dalka Sweden

Tirada Dadka Da’da Ah oo ku soo kordhaya Dalka Sweden

0
Foto: Amir Nabizadeh / TT

Tirokoobkii sanadka 2020 ee Xafiiska Tirakoobka Sweden (SCB) ayaa muujiyay in dadka da’doodu ka weyn tahay 60 sano ee Sweden ay gaareen 2.6 milyan oo qof.

Tirakoobku wuxuu muujiyay in saamiga dadka da’daan ku jira ay kordheen in ka badan inta kale ee kooxaha. 

50-kii sano ee la soo dhaafay, tirada dadka da’doodu tahay 60 iyo wixii ka weyn waxay kordheen 65 boqolkiiba, halka kororka dadku uu ahaa ilaa 30 boqolkiiba. Tirada dadka da’doodu ka weyn tahay 90 sano ayaa labanlaabmay Sida uu sheegay TT.

Xafiiska Tirakoobka ayaa sheegay in “xaqiiqda ah in dadku ay sii weynaanayaan ay tahay horumar la filayo inuu sii socdo mustaqbalka.”

Dadka da’da ah ee ku nool dalka ayaa inta badan waxay la nool yihiin lammaane guri yar waxayna sii wataan shaqada ka dib dhalashadooda 65aad, iyadoo 60 boqolkiiba ay la nool yihiin lammaane, halka 35 boqolkiiba ay keligood nool yihiin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here