Home News in English Sweden oo ku Dhawaaqday inay Musaafurineyso Dadka Ajaanibta ee Dambiyada geesta

Sweden oo ku Dhawaaqday inay Musaafurineyso Dadka Ajaanibta ee Dambiyada geesta

0
Foto: Claudio Bresciani/TT

Dowladda ayaa ku dhawaaqday in ay damacsan tahay in ay masaafuriso ajaaniib badan oo dambiyo ka geysta dalkaa. Waxay soo jeedisay in sharciga la adkeeyo laga bilaabo Luulyo.

Wasiirka isdhexgalka iyo soo galootiga Anders Ygeman ayaa shir jaraa’id oo uu maanta qabtay ku sheegay in sharcigan uu horseedi karo in la masaafuriyo dad badan oo dambiilayaal ah oo Sweden ku noolaa muddo dheer balse aan heysan dhalashada Sweden. Sida uu sheegay TT.

Intii u dhaxaysay 2015 iyo 2019, 677 ajaanib ah oo dambiyo ka galay Sweden ayaa la tarxiilay . Tani waxay ka dhigan tahay 4.4 boqolkiiba dhammaan ajaaniibta lagu helay dambiyada, marka loo eego xogta la sii daayay xagaagii hore.

Dalka Iswiidan waxaa ku soo badanaya dambiyada iyo kooxaha burcadda ee gobollada qaar.

Dawladdu waxay diyaarisay hindise sharciyeed ku salaysan daraasad ay sameeyeen guddi baaritaanno ah. Waxaa lagu qiyaasaa in tirada masaafurinta dembiyada awgeed ay kordhayaan ugu yaraan 30 boqolkiiba, ka dib marka sharciga la fuliyo.

Qofka ajnabiga ah maanta waa la musaafurin karaa haddii lagu xukumo ciqaab ka culus ganaax lacageed oo ay khatar ugu jirto inuu dib ugu soo laabto dembiga. Masaafurintu waxay dhici kartaa xitaa iyada oo aan la helin khatar dib-u-celin ah, laakiin markaa xukunka xabsiga waa inuu ahaadaa ugu yaraan hal sano.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here