Home Wararka Caalamka Denmark oo ku dhawaaqday in Ciidanka Mareykanka ay ku soo dhaweeneyso Dalkeeda

Denmark oo ku dhawaaqday in Ciidanka Mareykanka ay ku soo dhaweeneyso Dalkeeda

0
Photo/TT

Danmark ayaa ku dhawaaqday maanta oo Khamiis ah, inay diyaar u tahay inay ciidamadeeda Mareykanka ay ku soo dhawayso Dalkeeda, taasoo qayb ka ah heshiiska difaaca ee Maraykanka, iyadoo ay xiisad kala dhexayso Ruushka.

“Maraykanku waxa uu la xidhiidhay Danmark, waxana uu soo jeediyay in la iska kaashado difaaca laba geesoodka ah,” ayay ra’iisul wasaare Mette Frederiksen u sheegtay suxufiyiinta.

– Weli lama go’aamin nooca saxda ah ee iskaashigan, laakiin waxa ka mid noqon kara joogitaanka askarta Maraykanka, qalabka milatariga iyo qalabka dhulka Danmark, ayay raacisay.

Waxa ay sheegtay in wadahadalka arrintan ku saabsan ee Mareykanka uusan la xiriirin xiisadda hadda ka dhex taagan Ruushka iyo Ukraine, balse Wasiirada ayaa hoosta ka xariiqaysa baahida loo qabo iskaashi dheeri ah.

“Waan ku faraxsanahay in Maraykanku uu gacantiisa u fidiyey Danmark soo jeedinta iskaashiga difaaca ee labada dhinac,” ayay raacisay.

Dhankiisa, wasiirka gaashaandhigga Denmark, Morten Podskov, oo shirka jaraa’id goob joog ka ahaa, waxa uu tixgeliyey in NATO iyo Maraykanku ay yihiin kuwa dammaanad qaadaya amnigeenna. Sababtan awgeed, waxaan ku biireenaa ciidamada Mareykanka marka qiyamka reer galbeedka sida dimoqraadiyada iyo xorriyadda la khatar galiyo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here