Home Wararka Caalamka Tagsiilayaasha Sweden oo ku baaqay in la Qaado Tilaabooyin looga Hortagayo Dambiyada...

Tagsiilayaasha Sweden oo ku baaqay in la Qaado Tilaabooyin looga Hortagayo Dambiyada Galmada

0
Foto: Polisen

Ururka wadayaasha Tagaasida ayaa ku baaqay in la qaado tillaabooyin looga hortagayo dambiyada faraxumeynta  iyaga oo ku sababeeyay cillado dhanka ammaanka ah .

Dalabka ururkan ayaa yimid kadib markii baaritaan uu sameeyay telefiishanka Sweden lagu ogaaday in ugu yaraan 17 taksiile ah lagu helay dambiyo galmo sanadkii lasoo dhaafay.

Agaasimaha ururka, Bauer Coskun, ayaa sheegay in waxa dhacaya “ay wax u dhimayaan sumcadda waaxda oo dhan.”

Ururku waxa uu aaminsan yahay in ay jiraan cillado dhinaca nidaamka amniga ah oo ka jira qaybta, tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa in ay adag tahay in la ogaado dembiyada ay galaan darawaliinta tagsiga madow, ama isticmaalaya aqoonsiga darawal kale.

Waxa kale oo jira adeegyo tagsi ah oo aan ku xidhnayn waxa loogu yeedho diiwaanka BKY ee wadayaasha tagsiilaha, halkaas oo maalin walba lagu hubiyo liisanka darawalnimada.

Baaritaanka SVT ayaa muujiyay in ugu yaraan saddex ka mid ah ragga la xukumay ay wateen Bolt iyo  Uber , oo dhawaan ku biirtay diiwaanka BKY, halka Bolt uu marka hore hubinayo shatiyada darawalnimada marka ay galaan app-ka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here