Home Wararka Maanta Sweden oo xirtay 7 Qof oo lagu eedeeyay in ay dadka ku...

Sweden oo xirtay 7 Qof oo lagu eedeeyay in ay dadka ku qasbaan tuugsiga ama dawarsiga.

0

Sweden ayaa qaaday kiiskii ugu weynaa marka loo eego ka ganacsiga dadka. Lix qof ayuu ku dhacay xukun arintaa ku saabsan iyadoo hal qof oo kalana uu ku dhacay xukun ku saabsan inuu arintaa gacan ka geystay.

Todoba nin oo ka yimid dalka Bulgaariya ayaa lagu soo rogay dacwad la xiriirta ka ganacsiga dadka iyadoo lix ka mida lagu ridey xukun u dhexeeya sanad iyo lix bilood ilaa iyo shan sano iyo lix bilood oo xabsi ah.

Waxey aheyd bishii diseember sanadkii hore kolkii boliisku weerar kedisa ku qaaday meelo ku yaal Kronoberg, Kalmar iyo Bulgaariya.

Waxaa goobahaa laga soo helay dad labaatameeyo ah oo lagu qasbay iney ka tuugsadaan magaalooyin ay ka mid tahay Växjö. Arintan ayaa loo arkaa iney tahay keyskii ugu weynaa ee ka ganacsiga dadka.

Dhamaan eedeysanayaasha ayaa dafiray danbiga.

Somaliska Stockhom

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here