Home Wararka Maanta Bankiga Dowlada oo Sanadka Cusub kor u qaadaya Faa.idada dulsaaran Lacagta amaahda.

Bankiga Dowlada oo Sanadka Cusub kor u qaadaya Faa.idada dulsaaran Lacagta amaahda.

0

bangiga dhexe Sweden ayaa soo gudbiyey go’aanka heerka lacagta dulsaarka kaasoo howl-galaya 9 janaayo 2019.

Lacagta dulsaarka ee (reporänta) oo ah dulsaarka ay bangiyada ganacsigu wax uga amaahdaan bangiga dhexe ayaa aheyd mudo ka badan laba sano -0,5 boqolkii taasoo ah mid aad u yar.

Dulsaarka ayaa iminka lagu kordhinayaa 0,25 boqolkii.

Madaxa bandhiga dhexe Stefan Ingves oo ka hadlay sababta ay u kordhinayaan dulsaarka wuxuu sheegay iney u arkaan in sicir-bararku ku sugnaan doono sida laga rabey sanadaha soo socda.

– Taa waa in la bar bardhigaa in dulsaarka -0,5 yahay mid aad u yar taasina ma aha wax caadi u ah dhaqaalaha Sweden, ayuu yiri Stefan Ingves.

somaliska Stockhom

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here