Home Wararka Maanta Sweden oo Wajaheysa Mowjada Cusub oo Corona ah ” Shirka Jaraa’id ee...

Sweden oo Wajaheysa Mowjada Cusub oo Corona ah ” Shirka Jaraa’id ee Maanta

0
Photo: Pontus Lundahl / TT

La taliyaha gobolka Andes Tegnell ayaa shir jaraa’id oo uu maanta qabtay ku sheegay in Sweden ay wajaheyso mowjad cusub oo caabuqa Corona ah.

Wuxuu intaas ku daray in heerka caabuqa uu mar kale kor u kaco Sweden, balse heerka faafitaanka uu aad uga hooseeyo sidii ay ahaan jireen mowjadihii hore, isagoo xusay in heerka tallaalka oo wanaagsan uu sabab u yahay hoos u dhaca heerka faafitaanka mowjadaha cusub.

Caalamkoo dhan, faafitaanka caabuqa ayaa sidoo kale sii kordhaya, laakiin darnaantiisa ayaa ku weyn Yurub.

Marka la eego wixii ku dhacay mowjadihii hore, had iyo jeer sidan ayay ahayd , ayuu yidhi Tegnell , laakiin marka la barbardhigo Yurub, faafitaanka caabuqa ee Iswidhan ma aha mid aad u daran.

Tegnell ayaa sharraxay sababta caabuqa uu mar kale ugu faafo Iswidhan, isagoo yiri, “Isbeddelka cimilada iyo soo noqoshada xiriirka bulshada ka dib markii la fududeeyey xannibaadaha” ayaa ka dambeeya arrintan.

In kasta oo ay kordheen tirada cudurrada, Hay’adda Caafimaadka Iswidhan ma aragto faafitaan ballaaran oo Yurub ah, “laakiin weli waa goor hore in la gaaro gunaanad,” ayuu yiri Tegnell, oo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la helo tallaal ka dhan ah. labadaba fayraska Corona iyo hargabka xilliyeed haddii mid ka mid yahay kooxaha halista ku jira.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here