Home Wararka Maanta Sweden oo Baasaboorka kala wareegtay Nin Soomaali ah oo lunsaday malaayiin dollar...

Sweden oo Baasaboorka kala wareegtay Nin Soomaali ah oo lunsaday malaayiin dollar ( Warbaahinta Somaliya )

0

Madaxii hore ee dugsiga Muslimiinta Sweden, Cabdirisaaq Waaberi ayaa lagu eedeeyay inuu malaayiin karoon Swedish ah uu musuq maasuqay , iyadoo la sheegay in lacagtaas lagu maalgaliyay ururo siyaasiyeed iyo kuwa Islaamiyiin ah oo ka jira gudaha Soomaaliya Sida ay soo qaateen warbaahinta somalida badankooda Sida Hiiraan iyadoo Somaliska.com aan horay ugu daabacnay warkan.

Cabdirisaaq wuxuu horay u ahaa xildhibaan iyo madaxii Iskuulka Muslim Römosse School ee magaalada Göteborg, waxaana lagu eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan 13 milyan oo karoon Swedish ah oo u dhiganta 1.1 milyan ginni/$1.5 milyan oo doolar, isagoo lacagtaas u diray Soomaaliya.

Dowladda Sweden ayaa sheegtay in ninkan oo haatan lagu wado baaritaan maaliyaddeed, ay kala wareegay baasaboorkiisa, sida uu qoray wargeyska Aftonbladet.

Baaritaanno lagu sameeyay dhaq-dhaqaaqa maaliyaddeed ee Cabdirisaaq Waaberi, ayaa lagu sheegay in uu lacag caddaan ah u shubay dad kala duwan oo Soomaaliya jooga.

“Saddex iyo toban milyan oo karoon oo ahayd kaalmo degmadu ugu talagashay hawlaha dugsiga ayaa ku lumay waxyaabo kale,” sidaasi waxaa sheegay dacwad oogaha kiiskan Henric Fagher.

Cabdirisaaq Waaberi, ayaa dhowr jeer warbaahinta ka sheegay in eedeymaha loo haysto ay yihiin kuwo isaga ka dhan ah oo ay gadaal ka riixayaan dad doonaya inay la wareegaan maamulka Iskuulka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here