Home News in English Sweden oo soo saareysa Xayiraado Cusub oo gudaha Wadanka ah

Sweden oo soo saareysa Xayiraado Cusub oo gudaha Wadanka ah

0
Foto: Anders Wiklund/TT

Dowlada ayaa u dhaqaaqeysa inay soo saarto go’aan qasab ah oo lagu xadidayo tirada rakaabka ee tareenada dhaadheer iyo basaska, sababo la xiriira cabsida laga qabo kororka faafitaanka cudurka inta lagu jiro fasaxa isboortiga, oo dhowaan ka bilaaban doona Sweden.

Wasiirka arrimaha bulshada Lena Hallingrin iyo wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha Thomas Inroth ayaa qaban doona shir jaraa’id goor dhaw si ay u shaaciyaan soo jeedinta dowlada ee xadeynta gaadiidka meelaha fog. Sida ay tabisay TT.

Xogta ayaa sheegeysa in xayiraadaha ay ku jiri doonaan safarro ka badan 150 kiilomitir, si shirkadaha gaadiidka looga doonayo inaysan iibin wax ka badan kala bar kuraasta

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here