Home News in English Sharci ayuu Helay 20 Sano kadib lakin waa mid ku meel gaar...

Sharci ayuu Helay 20 Sano kadib lakin waa mid ku meel gaar ah

0

Sweden ayuu yimid 2002 si uu u sugo ku dhowaad labaatan sano ka hor inta uusan helin degenaanshaha .. Marka la soo koobo, tani waa sheekada qaxootiga Liibiyan lagu magacaabo Axmed Embark .

Axmed, oo hada jira 44 sano, ma uusan ogeyn in dhibaatadiisa ay sii socon doonto sanadahan oo dhan, maadaama hadafkiisa, sida kuwa kale oo badan, uu ahaa inuu nolol cusub ka bilaabo Iswiidhan kana fogaado aafooyinka iyo dhibaatooyinka Bariga Dhexe..

Wuxuu yiri sidan, “Waxaan u imid Sweden sidii qof kasta oo ka soo baxsaday nidaamkiisa dawladeed.”

Axmed wuxuu ka shaqeynayay kooxda ilaalada ee Hannibal Gaddafi, oo uu dhalay hogaamiyihii geeriyooday ee Libya Muammar Gaddafi, laakiin khilaaf ayaa soo kala dhex galay, taas oo ku kaliftay inuu qaato go’aan uu kaga baxayo Libya “si loo ilaaliyo nabadgelyada iyo amniga qoyskiisa.”

Qorshihiisu wuxuu ahaa markii hore inuu Norway magangalyo ka raadsado, laakiin intii uu Sweden ku sugnaa safarkiisa magangalyo, 2002 wuxuu la kulmay gabar Swedish ah, wuu jeclaa, wuxuuna go’aansaday inuu la joogo oo uu guursado, kadib markay ka dhaadhicisay magangalyada uu iskaga dhiibo sweden.

 inuu muujiyo aqoonsigiisa Liibiya ayaa u horseeday inuu iska dhigo Aljeeriya, isagoon cadeynin dukumiinti rasmi ah oo dhalashadiisa ah

“Waxaan u baqay qoyskeyga Liibiya, waana tan igu kaliftay inaan iraahdo waxaan ahay Algerian,” ayuu yidhi.

Sidii la filaayey, waaxda socdaalka kuma qancin aqoonsiga Axmed, sidaas darteedna wey ku diideen codsigiisa mudo dhoor sano kadib ayuu helay sharciga wadanka isagoo dhoor mar lagu amray in wadanka uu ka baxo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here