Home Wararka Maanta Sweden oo si rasmi u Mamnuucday Safarada uga imaanaya Denmark iyo UK

Sweden oo si rasmi u Mamnuucday Safarada uga imaanaya Denmark iyo UK

0
Foto/TT

Dowlada ayaa soo bandhigtay mamnuucida safarada ka imaanaya UK kadib markii nooc cusub oo acoronavirus laga helay wadanka gudihiisa kaasi oo saa’id u faafaya, Wasiirka Arimaha Gudaha Mikael Damberg ayaa ku shaacisay shir jaraa’id.

Mamnuucida soo galitaanka waxaa sidoo kale qeyb ka ah Danmark halkaasi oo laga helay dhoor kiis oo Coronaha cusub ah.

Dowladda ayaa go’aansatay inay joojiso dhammaan diyaaradaha rakaabka ee ka yimaada UK laga bilaabo 16.00 maanta illaa Arbacada saacaddu markay tahay 16.00, sida ay sheegtay wasiirka arrimaha dibedda Ann Linde.

Qof kasta oo ka soo safray Boqortooyada Midowday ilaa iyo 12 Diseembar waxaa lagu dhiiri galinayaa in la baaro, ayuu yiri agaasimaha guud ee Wakaalada Caafimaadka Dadweynaha ee Sweden Johan Carlsson.

– Kuwa ka imanaya Boqortooyada Midowday waxaa lagu sii dhiirrigelinayaa inay guryahooda joogaan oo ay iska ilaaliyaan la-xiriirka dadka kale sida ugu macquulsan illaa toddobaad, yacni toddobada maalmood ka dib markay yimaadaan. Tijaabada waa in lagu celiyaa maalinta shanaad marka la yimaado, ayuu yiri Johan Carlson.

Shirkadaha waxaa lagu boorinayaa inay hubiyaan in shaqaalaha kasoo socdaalaya Boqortooyada Ingiriiska la tijaabiyo.

Talaalka soo socda wax saameyn ah kuma yeelan doono, ayuu yiri Johan Carlsson. Gaadiidka waa laga dhaafay mamnuuca gelitaanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here